Hal qof ayaa ku geeriyootay    kadib markii dooni qaad (Jaad) siday  ay kula quustay Jaziirada Madhawa ee gobolka Jubada Hoose.
Doonidan oo siday qaad aad u fara badan  ayaa ku sii jeeday magaalada Kismaayo , iyadoo uu ka badbaaday shilkaasi naakhuudihii doonida.
Shilkan ayaa yimid markii dabaylo xooggan ku dhufteen Jaziiradaha ku yaala Jubada Hoose.
Waa markii labaad toddobaadkan gudihiisa uu shil caynkan ahka dhaco Jaziiradda Madhawa ee gobolka Jubadda Hoose
Wariyaha Goobjoog FM ee Gobolada Jubooyinka Muscuud Cabdulaahi Aadan ayaa sheegay in goobjoogayaal ka ag dhow goobta ay sheegeen in doonida ay gebi ahaan ku quustay badda.