U bood dhigaalka

Doorashada 5 Kursi Oo Ka Socota Baydhabo, Yaa U Tartamaya?

Sheeko:Amniga

Waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur galbeed ayaa waxaa saaka oo Axad ah ka bilawday doorashada shan kamid ah kuraasta golaha shacabka ee deegaan doorashadooda tahay Koonfur galbeed.

Kuraasta maanta la dooranayo ayaa ayaa kala ah kuraasta tirsigoodu yahay  HOP#188, HOP#185, HOP#175, HOP#159 & HOP#177.

Yaa ku fadhiyo hadda kuraastaan?

HOP#188: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Aadan Ibraahim Dhaayow

HOP#185: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Cali Aadan Xuseen

HOP#175: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Axmed Xaaji Maxamed

HOP#159: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Xasan Ibraahim Maxamed

HOP#177: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow

Yaa u tartamaya hadda?

 

HOP#188,:Waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah Cabdisamed Aadan isaaq & Maxamed Cabdi Maxamed.

HOP#185: Waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah  Maxamed Nuur Maxamed & Cabdiraxmaan Isaaq Maxamed.

HOP#175:Waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah  Aadan Maxamed Ibraahim, iyo Cabdirishiid Nuur Jilley.

HOP#159: Waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah Maxamed Barre Maxamuud & Cabdullaahi Maxamed Isaaq.

HOP#177: Waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah Maxamuud Abuukar Kheyre & Cabduqaadir Sheikh Cali Baraka.

Goobjoog News