U bood dhigaalka

Doorashada Afar Kursi Oo Golaha Shacabka Ah Oo Galmudug iyo Koonfur Galbeed Lagu Qabanayo

Sheeko:Amniga

Waxaa saaka oo sabti ah lagu wadaa in maamulada Galmudug iyo Koonfur galbeed lagu qabto afar ka mid ah kuraasta golaha shacabka maamuladaasi ay ku leeyihiin.

Kuraastan oo lagu kala dooran doono magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusa-mareeb ayaa seddax kamid ah doorashooda ka dhaceysa magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah maamulka Koonfur galbeed halka kursiga kale lagu dooranayo magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Galmudug.

Seddaxada kursi ee uu tirsigoodu yahay HOP#182, HOP#170 iyo HOP#171, ayaa lagu qabanaya Baydhabo iyadoo kursiga sumaddiisu tahay HOP#054 doorashadiisu ay ka dhici doonto magaalada Dhuusa-mareeb.

Kuraastan ayaa waxaa horay ugu fadhiyay baarlamaanki 10-aad xildhibaanada kala ah:

HOP#182: waxaa ku fadhiyay Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraaxman oo ahaa guddoomiyihii golaha shacabka baarlamaanka  10-aad .

HOP#170: kursigaan waxaa ku fadhiya Iimaan Cabdullaahi Cali, kaas oo markale doonaya in uu u tartamo kursigaan.

HOP#171: Kursigaan ayaa waxaa baarlamaanki 10-aad koonfur galbeed ku mataleysay xildhibaanad Fowsiya Maxamed Sheekh.

Kursiga kale ee doorashadiisu tahay magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimadda galmudug ayaa waxa afarti sano ee la soo dhaafay galmudug ku matalayay xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire.

Xildhibaanada golaha shacabka oo gaaray 275 mudane ayaa waxaa illa hadda laga doortay 12 xildhibaan kuwaas oo 8 ka mid ah ay yihiin kuwa ka soo jeeda Gobalada waqooyi halka afarta kale laga soo doortay Galmudug.

Waxaana jira weli muran iyo dooda hareeyay doorashooyinka golaha shacabka ee hadda ka soconaya guud ahaan dalka.

Goobjoog News