Doorashada Aqalka Hoose ee BFS ee Gobollada Waqooyi oo lasoo Gabagabeeyay, 32% Waa Haween

Doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta la soo dhameystiray kadib markii la doortay kursigii ugu dambeeyay ee ka harsanaa xubnaha gobollada Waqooyi ee Dalka.

Doorashadan oo maanta ka dhacday xarunta guddiga doorashooyinka Muqdisho ayaa waxaa ku soo baxday Huda Axmed Cali oo heshay codod gaaraya  45 cod, taas oo ah in gabi ahaanba lasoo afjaray doorashadii Aqalka Hoose ee xubnaha gobollada Waqooyi.

Xubnaha aqalka Hoose ee gobollada Waqooyi oo 46 xubnood ah ayaa 15 ka mid ah ay yihiin haween, iyadoo taasina ay ka dhigan tahay in 32% ay kootadii haweenka xaqiijiyeen, waana markii ugu horreysay oo ay hawoonku in kabadan 30% ay ka helaan doorashada dowlad goboleedyada Soomaaliya.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW