U bood dhigaalka

Doorashada Aqalka Hoose Ee Cadaado Oo Sababo Jiro Loo Hakiyay

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta hakad ku jirta doorashada aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ee ka socotay magaalada Cadaado.

Doorashada lama oga sababaha ka dambeeya waxa ay hakadka u galiyeen guddiga doorashada.

Guddiga doorashada heer maamul goboleed ee Galmudug oo aan la hadalnay ayaa si kooban inoogu sheegay in maanta doorasho aysan jirin mana ka hadlin sababaha dhaliyay in dib loogu dhigo.

Waxa ay sheegeen oo kaliya in sababo jira awgood dib loo dhigay iyagoo aan sheegin waqtiga rasmiga oo ay dib u billaabanayso berri iyo maalin kaleba.

Qaar kamid ah xildhibaannada ka imaanaya degaannada Galmudug ayaa lagu doortay Cadaado waxaana jira kuwa weli doorashadooda ay dhiman tahay iyo kuraas uu buuq ka jiro.

Goobjoog News