U bood dhigaalka

Doorashada Aqalka Hoose Oo Ka Socota Magaalooyin Badan

Sheeko:Dalka

Waxaa si caadi ah u soconaya doorashada aqalka hoose maalin kadib markii lagu guul-dareysay in la doorto guddoonka baarlamaanka sida ku qorneed jadwalka doorashada dadban.

Garoowe, Cadaado, Jowhar, Baydhabo iyo Kismaayo waxaa ka dhacaya doorashada Xildhibaannada, Kismaayo ayaa lagu wadaa in ay soo gabagabeyso doorashada saacadaha soo socda.

Ilaa iyo hadda 144 ayaa la doortay, guud ahaan waxaa la doonayaa in la doorto 275 Xildhibaan, iyadoo waqtiga horay ballan-ta loogu qabtay uu ahaa November 23, 2016-ka.

Goobjoog News,