U bood dhigaalka

Doorashada Aqalka Sare Hirshabeelle Oo Maalinti Labaad Ka Socota Jowhar

Sheeko:Amniga

Waxaa Maalinti labaad magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle lagu wadaa in ay ka qabsoonto doorashada Kuraasta Aqalka Sare ee maamulka Hirshabeelle.

Musharixiinta maanta tartameysa oo kor u dhaafaya 15 musharax ayaa ku tartami doona 5 kursi oo qeyb ka ah kuraasta Aqalka sare uu ku leeyahay maamulka Hirshabeelle.

Xubnaha Musharixiinta ah ayaa saacadihii la soo dhaafay kulamo kala gedisan la qaadanayay xildhibaanada Baarlamaanka dowlad gobaleedka Hirshabeelle kuwaas oo saaka dooranaya 3-kursi oo ka mid ah 5- kursi oo dhineyd.

Xalay ayaa xildhibaanada baarlamaanka dowlad gobaleedka Hirshabeelle  ay  ku toorteen 3- oo ka mid aheyd 8-kursi oo uu madaxweynaha dowlad gobaleedka Hirshabeelle.

Ammaanka guud ee magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeyay, iyadoo hoolka baarlamaanka ay hadda ka socota diyaar garowgii ugu dambeyay doorashada Saaka.

Goobjoog News