U bood dhigaalka

Doorashada Aqalka Sare Hirshabeelle Oo Maanta Jowhar Lagu Soo Gabagabeynayo

Sheeko:Amniga

Waxaa magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle lagu wadaa in maanta ay ka qabsoomto doorashada laba kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalka sare Hirshabeelle ay ku leedahay.

Doorashada labaan kursi oo muddo Isbuuc ka badan dib u dhac uu ku yimid ayaa maanta oo Isniin la shaaciyay in ay ka qabsoomeyso hoolka weyn ee baarlamaanka dowlad gobaleedka Hirshabeelle.

Kuuraastaan ayaa waxaa ku tartamaya illa iyo shan musharax kaas oo mid ka mid ah kuraasta ay ku tartamayaan seddax musharax.

Musharixiinta maanta tartameysa ayaa kala ah:

Kursiga 1-aad :

Cabdulqaadir Xanafi Sheekh Bashiir.

Cali Shacbaan Ibraahim.

Cabdalla Cabdi Xuseen.

Kursiga 2aad :

Naciimo Ibraahim Yuusuf.

ZamZam Cabdullaahi Axmed.

Goobjoog News