U bood dhigaalka

Doorashada Aqalka Sare Hirshabeelle Oo Maanta Lagu Soo Gabagabeynayo Jowhar

Sheeko:Amniga

Magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaa lagu wadaa in maanta lagu doorto Laba kursi oo qeyb ka ah kuraasta Aqalka sare Hirshabeelle uu ku BJFS.

Doorashada Kuraastaan dhiman ayaa waxaa ku tartamaya Musharaxiin kor u dhaafaya illa iyo 5 musharax, kuwaas oo doonaya in ay ku guuleystaan mataaladda Aqalka Sare Hirshabeelle.

Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa uu yahay Maamulki seddaxaad ee si rasmi ah u soo dhameystirayo kuraastiisa Aqalka sare.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guuleed Xuseen ayaa horay loogu aamaanay in aanu madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada kale ee dalka uusan kuraasta Aqalka sare u xirin musharixiin gaar ah.

Doorashadan Todobaadka Socota ayaa sidoo kale waxa ay tahay mid ka duwan doorashooyinkii Aqalka sare ee dalka ka socda, iyadoo doorashadan ay tahay mid looga bartay in ay qabsoomto Habeenkii xilli doorashooyinka kale ay dhacaan Maalintii.

Goobjoog News