U bood dhigaalka

Doorashada Aqalka Sare Hirshabeelle Oo Saaka Jowhar Ka Bilaabmeysa

Sheeko:Amniga

Waxaa saaka magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle lagu wadaa in ay ka bilaabato doorashada kuraasta Aqalka sare ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle.

Hoolka weyn ee baarlamaanka Hirshabeelle oo ay hadda ka socoto diyaar garowgii ugu dambeyay ee doorashada ayaa Waxaa maanta ku sii qul qulaya xildhibaanada iyo Musharixiinta Maanta doorashada u taagan.

Musharixiintan ayaa kor u dhaafaya 25 musharax kuwaas oo u tartamaha 8-kursi oo Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Hirshabeelle ku leedahay.

Xildhibaanada tartamaya ayaa isugu jira kuwa Afarti sano ee la soo dhaafay kuraasta ku fadhiyay oo doonaya in ay soo noqday iyo Musharixiin Siyaasadda ku cusub.

Goobjoog News