U bood dhigaalka

Doorashada Aqalka Sare oo Maanta Ka Dhaceysa Muqdisho

Sheeko:Baarlamaanka

Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee xubnaha Somaliland ayaa la filayaa iney maanta ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada doorashooyinka aqalka sare ee beelaha waqooyi Gen. Jaamac Maxamed Qaalib oo goordhaw la hadley Goobjoog News ayaa noo xaqiijiyay iney maanta jirto doorashada Aqalka Sare ee Xubnaha Somaliland.

“Waxaa la filayaa in la doorto illaa 6 xubnood oo ka tirsan tartamayaasha kuraasta aqalka sare ee beelaha Somaliland, waxaa ay ka dhaceysaa xerada gadiidka” ayuu intaa raaciyay.

Arrintan ayaa timid maalin uun kadib markii Mr. Jaamac uu la hadley Goobjoog News isagoo ku eedeeyay guddiga doorashada federaalka ah iney sabab u yihiin qabsoomid la’aanta doorashada aqalka sare ee gobollada waqooyi.

Magacyada Musharrixiinta Aqalka Sare ee Maanta la Dooranayo:

doorashada-2016

Goobjoog News