U bood dhigaalka

Doorashada Baarlamaanka: Dadka Jarmalka Oo Saaka U Dareeray Goobaha Codbixinta

Sheeko:Amniga

Waxaa gudaha dalka Jarmalka ka socda olalihii ugu xoogganaa ee doorashada Baarlamaanka dalkaasi oo maanta oo Axad ah dalka bilaabmaya.

Dadweynaha ayaa u dareeraya goobaha codbixinta, xilli musharixiinta ay soo gaba gabeeyeen olalohiidii mudada dheer u socday.

Musharixiinta ugu cad cad ee doonaya in ay kursiga kala wareegaan kursiga  Angela Merkel ayaa waxaa hogaaminaya Armin Laschet, Olaf Scholz iyo Musharxa xisbiga Die Grüne ee Annalena Baerbock.

Markel ayaa la kulmeysa loolan keedii ugu adkaa abid ee doorashada iyadoo dhamaan hogaamiyayasha mucaaradka kala kulmeysa cadaadis xooggan.

Codbixinta ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo doorashada Baarlamaanka dalkaas Jarmalka, doorashada ayaana waxa ay ka dhaceysa in ka badan 299 deegaan doorasho.

Goobjoog News