U bood dhigaalka

Doorashada Baarlamaanka Ee 2016 Oo Lagu Baaqay Iney u Dhacdo Daahfurnaan Iyo Cadaalad

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa galabnimadii Arbacada 24 Febraayo magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ku soo dhamaaday shirkii madasha iskaashiga heerka sare ee heer wasiir, kaas oo looga arrinsanayay arrimaha hiigsiga Soomaaliya iyo nooca doorasho ee laga hirgelinayo sanadka 2016ka.

War murtiyeedkii shirka ayaa hoosta ka xarriiqay in ay muhiim tahay iney dhacdo doorashada baarlamaanka Soomaaliya ee qorsheysan bisha Agosto ee sanadkan 2016 waqtigii loogu talalagalay,  isla markaana ay u dhacdo si daah furnaan ah iyo cadaalad, waana sida lagu caddeeyay qodobka 4aad ee war murtiyeedka shirka.

Qodobka 4aad ee war murtiyeedka shirka ayaa lagu sheegay “Iyadoo ay sii dhammaanayso muddadi dastuuriga ahayd ee Dowladda iyo Baarlamaanka Federaalka ah, ayaa sannadka 2016ka, wuxuu yahay sannad muhiim u ah Soomaaliya. Waxaan garwaaqsannahay in sannadkan aanay suurto gelaynin qabsoomidda doorashooyin ku qotoma qof-iyo-codkiisa, laakiin waxaan soo dhoweynaynaa hannaanki loo wada dhammaa ee laga wada qayb-qaatay kaas oo horseeday in heshiis laga gaaro mabaadii’da iyo tallaabooyinka ugu waaweyn ee hanaanka doorashada 2016-ka, kuwaas oo ku xusan ‘Baaqii Muqdisho’ ee la soo saaray 16ki Disember 2015. Iyadoo la raacayo Mabaadi’da wax Hagta iyo Baaqii Muqdisho, ayaan ballanqaadaynaa in aan dadaal kasta ku bixinno sidii loo heli lahaa hannaan doorasho bisha Agosto 2016-ka. Waxaan hoosta ka xariiqaynaa rajada aadka u xooggan ee aan ka qabno in aanay wax caqabad ah ku imaanin waqtiga loogu talo galay hirgelinta hannaanka doorasho, waxaana ka mid ah arrimaha (aan aadka ugu rajo weynnahay) inay jirto xorriyadda hadalka, waxaa kale oo ka mid ah in aan muddo kordhin loo samaynin muddada dastuuriga ah ee ay ku egyihiin hay’adaha fulinta iyo sharci-dejinta. Waxaan ku baaqaynaa in si loo wada dhanyahay oo laga wada qayb qaato si loo soo gabagabeeyo Qorshaha Fulinta ee Hannaanka Doorasho ee 2016 -ka iyo horumarinta Khariiddada lagu gaarayo sanadka 2020”.

Ugu danbeyn xubnaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu tartarsiiyay iney meel mariyaan, sharciga maxkamadda Dastuurka, golaha madaxa bannaan ee xuquuqul-insaanka, iyo golaha adeegga garsoorka, iyadoo loo arkay iney yihiin howlo muhiim u ah hor u socdka dowladnimo ee dalka.