U bood dhigaalka

Doorashada Baarlamaanka Masar : Ma Fashil Siyaasadeedbaa mise Kacdoon Amusan?

Sheeko:Dalka

Isbarbardhigga doorashooyinka Masar doorashadii kacdoonka kadib iyo cagajiidka ka muuqda dadweynaha afgambiga kadib , waxaad ogaanaysaa farqiga u dhexeeya xornimada iyo xoriyad-darada.
Guud ahaan doorashada Baarlamaanka Masar ayaa dadkii usoo dareereen sidii la filayay si kayar aadna u hoosaysa .
Ra’’isul wasaaraha dalka Masar Shariif Ismaaciil ayaa sheegay in Heerka ka qaybgalka codayntu uu gaaray %15-%16 codbixinta.
Doorashada ayaa bilaabatay maalintii axadda waxayna soconaysaa Illaa 2-cisho iyadoo ka dhacaysa 14 gobol oo ka tirsan dalka Masar, waxaana lagu soo xulayaa 226 kursi oo ka tirsan baarlamaanka dalka Masar, dhamaan goobihii doorashadu waxay u muuqdeen kuwo faaruq ah iyadoo dad aad u yar ay kaso qeyb galeen oo u badan dad da’a dhalinyaradana waxay u muuqdeen inaanay ka soo qayb galinba doorasha, waliba baraha bulshadu ku wada xiriirto “Qof doonaya Inuu codeeyaa Ma jiro”.
Afhayeen rasmi ah oo u hadlayay gudiga doorashooyinka ayaa qiray inay dadku si aad u hoosaysa ay uga qeyb galeen doorashada dhamaan gobolda dalka Masar, isagoo xusay in gobolka Iskandariya uu ugu badnaa waxaa kusoo xigay Asyuud waana sida uu u sheegay Tv-ga Masar ee Rasmiga ah .
Dhacdadan ayaa siyaabo kala duwan loo fasray , dadka qaar ayaa aamin san in xukuumadda Masar iyo Nidaamkeeda siyaasadeed oo dhani fashilmay iyagoon wax soo jiidasho ah u sameyn dhalinyarada oo ah %60 , isla markaana ay ku guul daraysatay inay meel iskugu keenaa siyaasiyiinta kala irdhoobay iyo inay dhaliyaan jawi siyaasadeed oo isku soo dhawaasho wata.
Dhanka kale dowladda Masar ayaa madaxdii xukunkii xooga lagu riday ee Xusni Mubaarak dib usoo celisay iyo warabaahinta Masar oo culays badan saartay dadwaynaha cidkasta oo xukuumadda wax ka sheegta waxaa lagu eedeeya inuu yahay khaa’in , jaasuus iyadoo lagu sameeyo wax kasta oo lagu argagax galin karo.
-Waxaa jira dad kale oo qaba in Masar uu ka jiro kacdoon aamusan dadka Masar ay wada qabaan , dhalinyaraduna gaar ahaan ay ku xoog badan tahay , markii ay arkeen in nidaamka siyaasadda aanuu la jaanqaadi karin waxa ay u baahan yihiin iyagoo waliba in badan ay ka dhex guurayso asxaabtoodii hortooda lagu toogtay iyo kuwa kale ee xabsiyada ka buuxa ee asaagooda ah.
Laakiin lama filaanka muhiimka ah waxa uu ahaa doorashadani inay ahayd talaabadii ugu dambeysay ee khariidada siyaasadeed ee dalka Masar , may ahayn oo kaliya doorasho baarlamaan ee waxay ahayd ra’yi uruurin dadka lagu ogaanayay sida ay raalli uga yihiin xukunka Sisi inuu sii ahaaado Madaxweynaha Masar

151019123814_egypt_elections_640x360_afp_nocredit 151019124011_egypt_elections_640x360_afp_nocredit masar 1 masar 2 masar 3 masar 4 masar 7 masar 8 masar 9 masar 10 masar 11 masar 5 masar 1 masar 6 masar 13 masar 12

Goobjoog News