U bood dhigaalka

Doorashada Beri iyo Ammaanka Jowhar Oo La Adkeeyay

Sheeko:Amniga

Ammaanka guud ee magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa si weyne loo adkeeyey, iyadoo maanti barri ah lagu wado in ay ka dhacdo doorashada  kuraastii ugu horeysay ee golaha shacabka, kuwaas oo gaaraya ilaa 6 kursi oo kamid ah Baarlamaanka ee 11-aad ee Baarlamaanka federalka Soomaaliya.

Lixda kursi ee befi lagu dooranayo ayaa kala ah HOP#005, HOP#033,  HOP#052, HOP#088, HOP#097 iyo HOP#098.

Goobta lagu wado in ay dooorashada ka dhacdo ayaa ammaankeeda waxaa sugaya ciidamo isugu jira kuwa dowladda Soomaaliya iyo AMISOM, kuwaas oo dhowaan gaaray maaalada, waxaana ay yihiin kuwa gaaf wareegaya goobta doorashada magaalada Jowhar.

Taliyaha booliiska dowlad goboleedka Hirshabeelle ahna taliyaha amniga doorashooyinka golaha shacabka ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu ku magacaabay taliyeyaal cusub kuwaas oo sugaya ammaanka halka loo asteeyey doorashada golaha oo barri ka bilaabanaysa magalaada.

Halkaan ka akhriso magacyada taliyeyaasha.

Yaa ku fadhiyay Lixda kursi ee doorashadooda la shaaciyay ?

HOP#005 : waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  Maxamed Cumar Caymoy

HOP#033 : waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan   Yuusuf Ibraahim Afrax

HOP#052: waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  Farxiya Maxamuud Dhaqane

HOP#088 : waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan   Dahabo Suusow Maxamed

HOP#097 : waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan   Khadiija Maxamed Diiriye

HOP#098 : waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  Maxamuud Maxamed Jaamac

Goobjoog News