U bood dhigaalka

Doorashada Golaha Shacabka: Diiwan Gelinta Musharixiinta Afar Kursi Oo Ka Bilaabatay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Waxaa saaka ka bilaabmeysa magaalada Muqdisho diiwaan gelinta musharixiinta kuraasta tirsigoodu yahay  HOP#229, HOP#262, HOP#254 & HOP#255 ee laga soo doorto gobolada Waqooyi.

Kuraastan oo ay horay u shaaciyeen in la qabanayo doorashadoodu guddiga hirgelinta gobalada Waqooyi ayaa la bilaabay diiwan gelinta Musharixiinta u tartameysa.

Afarta kursi ee musharixiintooda la diiwaan gelinayo ayaa waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaanada kala ah :

HOP#299: Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay ku matalayay gobalada Waqooyi xildhibaan  Cismaan Cabdullaahi Ducaale.

HOP#254: Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Jaamac Maxamed Askar .

HOP#255: Waxaa Somaliland ku matalayay afarti sano ee la soo dhaafay xildhibaan Axmed Maxamuud Maxamed.

HOP#262: Waxaa Somaliland ku matalayay afarti sano ee la soo dhaafay xildhibaan Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan.

Somaliland iyo maamulka koonfur galbeed ayaa labada deegaan ee sida rasmiga ah uga socoto doorashada golaha shacabka.

Goobjoog News