U bood dhigaalka

Doorashada Golaha Shacabka oo Dib Uga dhici doonta 15-ka March

Sheeko:Amniga

50 xildhibaan oo 16 ka kursi ee Gedo yaalla ay ka mid yihiin ayaa ka haray golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana muuqata in uu ka dhib dhici doono qorshihii ahaa 15-ka March 2022-ka.

Abuukate Yuusuf Cabdi Faarax oo la hadlay Goobjoog News waxaa uu qabaa in doorashada Soomaaliya ay ka duwan tahay midda caalamka oo waqti la ogyahay lagu qabto, laakin waxaa uu ku eedeeyey maamulka jira inuu ka gaabiyey shuruucdii, isla markaana ay fulin la’yihiin, oo ra’isul wasaare Rooble awoodda lala heysto.

“Iima muuqato in doorashada ku dhamaaneyso waqtiga loogu talogalay, guddigii uu u diray Gedo waa la diiday, taasi waxay caddeyn u tahay in sharaci aanu shaqeyneyn, oo PM-ka lala heysto awoodda”.

Golaha shacabka, ila iyo hadda Banaadir waxaa lagu doortay 5 Xildhibaan oo Banaadiri ah iyo 46 xildhibaan oo Somaliland ah, Puntland waxaa la doortay 31 xildhibaan, Galmudug waxaa ilaa maanta ay dhameystiri doontaa 34 xildhibaan, Hirshabelle waxaa dooran 24 xildhibaan halka ay dooran yihiin Koonfur galbeed 62 iyo Jubbaland 23 xildhibaan.

Doorashada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay socotaa 6 bil, lamana oga xilliga ay soo gabagaboobeyso, iyada oo ay nagu soo fool leedahay bisha barakeysan ee Ramadaan.

Goobjoog News