Doorashada Guddoonka Baarlamaanka oo Ka Socota Xarunta Golaha Shacabka Ee Muqdisho

Waxaa hadda ka bilaabatay xarunta Golaha Shacabka doorashadii Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, taas oo lagu dooran doono guddoomiye ku xigeentka 1aad iyo 2-aad ee baarlmaanka.

Si habsami leh waxaa uga socday xarunta baarlmaanka federaalka Soomaaliya doorashadii Guddoonka baarlamaanka iyadoo maant la filayo iney soo dhameystirmaan guddoonka Golaha Shacabka oo ku xigeenka 1aad iyo 2aad la doorto.

Doorashada guddoomiyeyaasha labada aqal iyo ku xigeennadiisa waa in loo maraa; Guddoomiyaha iyo ku xigeennada rasmiga ah waxaa lagu dooranayaa ugu yaraan aqlabiyad tirada guud ee xubnaha aqal walba (50%+1) oo codeyn qarsoodi ah, qofkii wareegga koowaad ee doorashad hela 139 waxa uu si toos ugu guuleysanayaa doorashada oo wareegyo kale looma baahnaan doono, haddiise uu codku intaa ka yaraado waxaa la gaaray ilaa wareegga ugu dambeeya oo cod hal dheeri ah labada qof ee isku soo hartaa ku kala baxayso.

Murashaxiinta u tartamaya Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka:

  1. Xildhibaan Cabdiweli sheikh Ibrahim Muudey
  2. Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdiqadir
  3. Xildhibaan Jeylaani Nur Ikar
  4. Xildhibaan Khadija Maxamed Diiriye
  5. Xildhibaan  Khalid Macow Cabdiqadir
  6. Xihibaan Saciid Xuseen Ciid

Murashaxiinta u tartamaya guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee golaha shacabka:

  1. Cabdulkadir Sh. Cali Baqdaadi
  2. Mahad Cabdalla Cawad,
  3. Burhaan Aden Cumar,
  4. Cabdulahi Xusen Cali,
  5. Cabdiweli Maxamed Qanyare,
  6. Xuseen Cabdi Cilmi,
  7. Cabdulahi Godax Barre,
  8. ilmi Maxamed Nuur,
  9. Cabdiraxmaan Aden Ibarhim
  10. Maryan Axmed Harun.

Doorashada ayaa lagu wadaa iney natiijadu soo baxda mar qura, iyadoo xildhibaannadu ay labo sanduuq ku kala ridayaa labo warqadood oo loogu kala codaynayo guddoomiye ku xigeennada 1-aad iyo 2-aad.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW