U bood dhigaalka

Doorashada Kursi Ka Banaan Golaha Shacabka Oo Maanta Ka Dhacaysa Baydhabo

Sheeko:Dalka

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa maanta waxaa lagu qabanayaa doorashada kursi ka banaan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Kursigan ayaa waxaa April 2018 ka dhintay Xildhibaan Khaliif Sheekh C/laahi Dheere oo ku geeriyoodey magaalada Muqdisho.

Guddiga doorashada ayaa araajida ka qabtay Afar musharrax oo doonayey iney u tartamaan kursigan kuwaasi oo kala ah:-

  1. Isaaq Khaliif Sheekh
  2. C/qadir Shekh Maxamed Nuur
  3. Xasan Macallim Ibraahim
  4. C/laahi Shekh Maxamed

Hase ahaatee wariyaheenna C/qaadir War Cadde ayaa soo sheegaya in tartanka ay ku hareen Isaaq Khaliif Sheekh oo uu dhalay xildhibaanka dhintay iyo C/laahi Sheekh Maxamed, waxayna doorashada dhici doontaa goor dhow.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News