U bood dhigaalka

Doorashada Labada Aqal Ee Gobollada Waqooyi Oo Dib U Dhacday (Warbixin)

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga doorashada dadban ee heer federal ayaa sheegay in waqtiga loo qorsheeyay doorashada xubnaha aqalka sare iyo aqalka hoose ee matalaya gobollada waqooyi uu ku yimid dib u dhac.

Hadalkaan ayaa guddoomiyaha guddigaasi wuxuu ka sheegay in kulan Muqdisho ka dhacay kaasoo lagu baranayay qaabka cadaaladeed ee lagu soo dooranayo xubnaha gobollada waqooyi u matalaya labada aqal.

Halkaan waxaa sheegay guddoomiyaha guddigaasi abuukaate Cumar Maxamed Dhageey oo tilmaamay in waxgaradka hormuudka u ah beelaha waqooyiga dalka in laga rabo inay ka qeyb qaataan sidii doorashada ay qaab wanaagsan ugu dhici lahayd.

Muran iyo khilaaf ayaa muddooyinkii dambe ka taagnaa doorashada labada aqal ee baarlamaanka cusub ee gobollada waqooyi, waxaana jira cabasho ay muujinayaan waxgaradka beelaha qaar ee gobolladaasi deggan.

Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan cuqaal iyo waxgarad ka soo jeeda gobollada waqooyi sida Garraad Jaamac Garraad Cali oo kamid ah garraadyada ugu waa weyn waqooyiga Soomaaliya.

Dhanka kale, guddoomiyaha guddiga doorashada dadban heer federal Abuukaate Cumar Dhageey ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar maalmihii dambe la isla dhexmarayay oo sheegaya in dib u dhac uu ku yimid doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya.

Waxa uu qeexay in aysan jirin wax dib u dhac ah oo ku yimid doorashada Soomaaliya iyo cabsi laga qabo midna.

Muddo kooban ayaa ka dhiman waqtiga doorashada madaxtinimo iyo midda guddoomiyaha baarlamaanka ee Soomaaliya iyadoo gobollada Soomaaliya gaar ahaan magaalooyinka dowlad goboleedyadu ay weli ka socdaan doorashada xildhibaannada aqalka hoose, marka laga reebo gobollada waqooyi oo weli labadooda aqal aan la soo dooran.

Goobjoog News