U bood dhigaalka

Doorashooyinka Iyo Casharro Laga Baran Karo Koofur Galbeed

Sheeko:Dalka

Doorashada dadban ee  Soomaaliya 2016-ka, waa la isku bartay, madasha iyo guddiga doorashada dadban mid federal iyo mid dowlad goboleedba horay ayaa loo bartay,  haatan waxaa la soo gaaray xiligii la baran lahaa maamul goboleedyada iyo beelaha Soomaaliyeed ee loo yaqaano 4.5-ka.

Maamulka Koofur Galbeed iyo Beesha deegaankaasi ayaa noqnay dad ku dayasho mudan,  ilaa iyo hadda marka laga hadlaayo doorashada 2016-ka gaar ahaan labada aqal, shaqadii laga rabay waxaa ay u qabteen sidii loogu talogalay.

Maamulkooda waxaa ay liiska murashaxiinta aqalka sare ku soo gudbiyeen guddiga doorashada waqtigii loogu talogalay iyo sidii loo rabay halka odoyaasha beeshana ay sidoo kale guddiga doorashada u gudbiyay liiska ergada doorasho  intiisa badan.

Si ka duwan maamulka Koofur Galbeed, waxaa muuqata in maamullada dalka ka jira aaney rabin in haweenka ay siiyaan 30%, waxaa taasi daliil u ah, maamulka Galmudug oo doorashada aqalka sare ay ka bilaabatay arbacii xilli ay guddiga doorashooyinka dadban ka sugayeen in ay soo dhameystiraan Qoondada haweenka ee aqalka sare iyagoo-Galmudug-iska dhago tiray codsiga guddiga doorashada iyo beesha caalamka.

Dhismaha Labada Aqal:

Dhibaatada ugu badan waxaa ay ka jirtaa sidii loo dhameystiri lahaa liisaska doorashada labada aqal ee kala ah: aqalka baarlamaanka iyo midka odoyaasha.

Aqalka sare, 4 maamul oo ka mid ah 6 maamul ee dalka ka jirta ayaa soo gudbiyay liiska murashaxiinta, marka laga reebo koofur galbeed oo haweenka siisay ilaa 31%,  inta kale waxaa ay keeneen liis caato ah, maamullada Puntland, Galmudug iyo Jubbaland waxaa lagu celiyay liiska murashaxiinta aqalka sare kadib markii ay liiskaas la soo gudbiyay ay siiyeen haweenka qoondo tiro iyo nisbo ahaanba aad u yar, Puntland 23%, Galmudug 21% halka Jubbaland ay siisay 15%.

Dhinaca kale, Odoyaasha dhaqanka iyo beelaha Soomaaliyeed waxaa ay ku guul-dareysteen in ay soo gudbiyaan liiska ergada doorasho oo lagu waday in ay sidaa dhacdo October 10, waxaa ilaa iyo hadda la soo gudbiyay ilaa 6,528 ergo,  taas oo kala u bar ka yar inta xildhibaannada dooran doonta, ergada doorashada aqalka hoose u codeyn doonta sanadkan 2016-ka waxaa lagu qiyaasay ilaa  14,025 ergo, doorashada aqalka hoose waxaa lagu wadaa in ay dhacdo October 23- November 10, 2016-ka.

Qeybaha soo socda waxaan ku faafaahin doonaan  sida Maamullada iyo Beelaha Soomaaliyeed u soo gudbiyeen murashaxiinta aqalka sare iyo ergada doorasho, waxaad arki doontaa in Koofur Galbeed ay labada dhinacba ama labada aqalba hogaamineyso, taas oo ku tuseysa in qowmiyadda Koofur Galbeed ay ka diyaarsan yihiin xagga doorashada maamullada iyo beelaha kale.

Aqalka Sare:

Maamul-ka Koofur Galbeed ayaa noqday maamulka keliya ee keenay qoondadii haweenka kadib markii liiska uu soo daray 5 haween ah, tiradaas oo u dhiganta ilaa 31%.

Aqalka Hoose:

Aqalka sare, Odoyaasha iyo beesha degta Koofur Galbeed waxaa ay soo gudbiyeen ilaa ergada doorasho ee 57 Xildhibaan, waxaa laga rabay ergada 69 Xildhibaan, waxaa xusid mudan in beeshan ay ka mid tahay beelaha loo yaqaano 4.5-ka inta badan hal gobol ay degtaa halka beelaha kale ay gobollo badan kala degaan.

Maamullada Kale iyo Labada Aqal:

Aqalka sare:

Maamulka Puntland  waxaa uu keenay qoondo  ka dhigay aqalka sare ilaa 23%, Galmudug  waxaa ay murashaxiinta  ku soo dareen 4 haween oo u dhiganta ilaa 21% halka Jubbaland liiska ay soo gudbisay laga dhex arki karo ilaa 3 haween ah oo u dhiganta ilaa 15%.

Waxaa kaloo aan warkooda la heyn Hirshabeelle iyo Somaliland oo aan la ogeyn xiliga ay soo gudbin doonaan murashaxiinta aqalka sare iyo qaabka ay u soo gudbin doonaan. 

Aqalka Hoose:

Ergada ay Beelaha Soo Gudbiyeen: Beelaha Jubbaland dega: 42 Kursi oo ah 2,142 ergo, Beelaha Galmudug  12 Kursi oo ah 612 ergo, Beelaha  Puntland  6 Kursi oo ah 306 ergo, beelaha Hiiraan iyo Shabeellada dhexe ku nool waxaa ay soo gudbiyeen 11 Kursi oo ah 561 ergo.

Beelaha Somaliland iyo Banaadir, lagama haayo wax ergo ah, lamana oga sida ay wax noqon doonaan.

Doorashadan  2016-ka, waxaa muuqato in dhibaatooyin ay soo wajahayaan, maamullada dalka ka jira iyo beelaha Soomaaliyeed waxaa ay doorashada ka dhigi karaan mid fiican iyo mid xun, sida muuqato Koofur Galbeed iyo beelaha halkaas dega waxaa ay go’aan ku gaareen in doorasho galaan, weliba si fiican u galaan.

Jadwalka Doorashada dadban ee 2016-ka waa sidan:

  1. In Madaxda Maamul Goboleedyada soo gudbiyaan xubnaha murashaxiinta aqalka sare ugu dambeyn 5 bisha Oktober 2016-ka.
  2. In guddiga xallinta khilaafaadka uu howlgalo 8-da bisha Oktober 2016-ka
  3. In Liika Magacyada ergada doorashooyinka golaha shacabka la soo dhameystiro ugu dambeyn 10-ka Oktober.
  4. In doorashada golaha shacabka la qabto Oktober 23-10-ka Nofember 2016-ka.
  5. In doorashada guddoonka labada aqal ee baarlamaanka cusub la qabto 23-ka bisha Nofember 2016-ka
  6. In iyo doorashada Madaxweynaha la qabto 30-ka Nofember 2016-ka.

W/Q: Abdi Aziz Gurbiye,

[email protected]