U bood dhigaalka

Doorashada Lix Ka Mid Ah Kuraasta Golaha Shacabka Oo Muqdisho Ka Socota

Sheeko:Amniga

Waxaa saaka magaalada muqdisho ka bilaabmay doorashada lix ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay gobalada waqooyi.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka gobalada waqooyi ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin dhamaan ergooyinki dooran laheyd lixdaas kursi, iyagoo sidoo kale sheegay in kuraasta qaar ay yihiin kuwa isku sidkan.

Afhayeenka guddiga doorashooyinka ayaa maamul gobaleedyada ugu baaqay in ay si degdeg ah ugu baaqay in ay u bilaabaan doorashada golaha shacabka.

Kuraasta doorashadoodu ay ka bilaabatay hoolka weyn ee Gen. Kaahiye ayaa waxaa ka mid ah kuraasta tirsigoodu yahay HOP#233, HOP#208, HOP#210, HOP#202,  #HOP225, iyo HOP#272.

Soomaaliland ayaa horay u dooratay laba kursi oo ka mid ah kuraasta ay golaha shacabka ku leedahay kuwaas oo ay ku soo kala guuleysteen Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Xildhibaan Biixi Iimaan Cige

Goobjoog News