U bood dhigaalka

Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle Oo Bilaabatay

Sheeko:Dalka

Goor dhow waxaa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe ka bilaatay doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabelle oo ay u tartamayaan 8 musharrax.

Xildhibaannada Hirshabelle ayaa toos u gudagalay doorashada, waxaana halka ay doorashada ka dhaceyso goob joog ka ah xubno ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Ammaanka guud ee magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay, waxaana xildhibaannada dooran doonaan shaqsiga ay u arkaan inuu isbedal u keenayo Hirshabelle.

Halkaan hoose ka akhriso magacyada musharraxiinta tartamaya:

  1. Yusuf Hagar Daba-geed
  2. Cabdi Faarax Laqanyo
  3. Daahir Cabdulle
  4. Maxamed Cabdi Waare
  5. Cabdinasir Shirwac Maxamed
  6. Maxamed Caruush
  7. Cabdiraxmaan Xuseen Cadow
  8. Cabdikarim Cali Nuur

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News