Doorashada Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare oo Maanta Lasoo Dhameystirayo

Doorashada xubnihii ka harsanaa Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu soo gabagabeynayaa magaalada Muqdisho.

Guddiga doorashooyinka ayaa noo xaqiijisay in maanta la soo afjarayo doorashada xubnihii Aqalka Sare ee isqabqabsiga dhanka qabaa’ilka ah u xayirnaa.

Golaha Aqalka Sare oo ka kooban 54 xildhibaan ayaa la doortay 52 xubnood, waxaana ka harsanaa 2 xubnood oo dhanka Somaliland u matalaya Golaha Aqalka Sare.

Si kastaba, doorashadan haddii maanta la soo afjaro waxaa soo dhameystirmaya xubnahii Golaha Aqalka Sare ee 54 xildhibaan ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News   

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW