U bood dhigaalka

Doorasho Aan La Aqoon Xilliga Ay Dhamaaneyso Oo Dalka Ka Socota

Sheeko:Amniga

Waxaa dalka weli ka socda doorashooyinka goleyaasha dowladda oo aan la aqoon qorshaha iyo jadwalka u dagsan ee ay ku qabsoomayaan.

11-kii Bishii hore ee November guddiga FEIT ee doorashooyinka dadban ee heer federaalka waxa ay sheegeen in ay soo gabgabeynayaan dhamaan doorashooyinka golaha shacabka iyo aqalka sare 24 bisha December oo ay hadda ka harsan tahay wax ka yar 16 maalin.

Illa iyo hadda waxaa la doortay 53 Senator oo ka tirsan baarlamaanka aqalka sare ee dalka halka kursiga ka haray senatorada aqalka sare oo uu iska casilay xildhibaan Dhegeey aan weli dib loo qaban doorashadiisa.

Dhanka golaha shacabka, waxaa la doortay 11 kursi oo gobalada waqooyi ah, laba kursi mid ka mid ah uu dood ku jiro oo lagu doortay Galmudug iyo 11 kursi oo ay laba ka mid ah doorashadooda ay laaleen guddiga doorashooyinka heer federaal lagu doortay  Koonfur galbeed. taas oo wadarta guud ee kuraasta rasmiga ah ee aan muranka ka taagneyn ay noqonayaan 21 kursi oo ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee laga rabo 275 kursi.

Ma jirto wax saansaan doorasho ah labadi maalin ee la soo dhaafay oo dalka ka jirta, xilli 30-kii bishii hore ee November guddiga hirgelinta doorashooyinka gobalada waqooyi ay shaaciyeen 16 ka mid ah kuraasta gobalada waqooyi ee golaha shacabka in la qabanayo doorashadooda balse aan la aqoon xilliga, goobta iyo goorta la qabanayo doorashadooda.

Midawga musharixiinta, aqoonyahanada iyo dhamaan waxgaradka ayaa walaac ka muujinaya hanaanka ay Rooble iyo kooxdiisa doorashada ay wax ku wadaan.

Maamulada Puntland, Jubbaland iyo Hirshabeelle ayaa dhankooda aysan haba yaraate ka muuqan wax diyaar garoow doorasho ah.

Xukuumadda Rooble oo wajaheysa cadaadiska daneeyayaasha iyo musharixiinta ayaa todobaad waliba qabato kulamo doorashooyinka xal loogu helayo kuwaas oo aan waxbo ka soo naasa cadaanin.

Guddiga doorashooyinka Heer federaal, heer dowlad gobaleed iyo guddiga xalinta ayaa siyaasiyiinta qaar weli ay ku eedeynayaan in aysan aheyn kuwa u madax banaan qabashada doorashooyinka dalka.

Rajada shacabka ee doorashada ayaa maalmihi la soo dhaafay god dheer ku sii dhaceysay xilli aysan aqoon doorashada xilliga la qabanayo.

Amniga goobaha doorashada oo horay loo sheegay in ay sugan yihiin ayaan la aqoon ciladda illa hadda heysata doorashada.

Ergooyinka iyo nabadoona qaar ee ay guddiyada doorashooyinka ay xareeyeen ayaa dhankooda shaki laga muujinaya, kuwaas oo lagu eedeyay in aysan aheyn ergo raali ay ku yihiin dhamaan jufooyinka leh kursiga.

Xubna ka tirsan mushaarixiinta kuraas ka tirsan golaha shacabka ee gobalada waqooyi ayaa warbaahinta u sheegay in beelo aan laheyn kuraasta qaar ay u cod dhiibteen.

WQ/ Abdirahman Sabriye

Goobjoog News