U bood dhigaalka

Doorashooyinka Golayaasha Baarlamaanka Somaliland Oo Bilaabmaya Bisha May

Sheeko:Amniga

Waxaa diyaargarowgii ugu danbeeyay galay  doorashooyinka baarlamaanka iyo dawladaha hoose ee Somaliland, kadib markii muddo badan ay ku imaaneysay dib u dhac  .

Somaliland ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in  la bilaabay hubinta iyo cusboonaysiinta diiwaangelinta codbixiyayaasha.

Komishanka Doorashooyinka Somaliland (SNEC) ayaa  wuxuu Isniintii sheegay in dhamaan lixda gobol ee kala ah – Maroodi-jeex, Togdheer, Sanaag, Saaxil, Sool iyo Awdal kominshinka ay diyaar ku yihiin si ay hawsha u fuliyaan.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland SNEC Cabdirashiid Maxamed Cali ayaa warbaahinta ugu sheegay magaalada Boorama  in doorashada laga fulinayo 120 xarumood oo diiwaangelin ah muddo toban maalmood ah.

Guud ahaan 747 musharax ayaa u tartamaya doorashada golaha deegaanka halka 246 musharax ay u tartamayaan 82ka kursi ee baarlamaanka.

Dhanka kale  700,000 oo codbixiye ayaa la diiwaangeliyey intii lagu guda jirey doorashadii madaxweynaha ee 2017.

Doorashada 31-ka May waxay noqoneysaa tii ugu horreysay tan iyo 2005-tii markii xilkan loo doortay Baarlamaanka hadda xafiiska jooga.

Sikastaba Iskudayo doorasho ayaa dhowr jeer fashilmay. Carruurta dhalatay markii xildhibaannada hadda jira loo doortay xafiiska waxay hadda xaq u leeyihiin inay codeeyaan doorashooyinka soo socda.