U bood dhigaalka

Dowaladda Kenya oo Dib Uga Laabatay Go’aankii Ay Ku Xireysay Xerada Qaxootiga Dhadhaab

Sheeko:Dalka

Dowladda Kenya ayaa waxay  maanta Sheegay iney dib uga laabatay go’aankii ay ku xireysay xerada Qaxootiga Dhadhaab , iyadoo go’aanka dib u dhigtay illaa inta nabad waartay laga helayo guud ahaan Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Kenya Joseph Nkaissery ayaa Axadda maanta ah sheegay iney dib uga laabteen go’aankii  dib u celinta qaxootiga Soomaalida ee xerada Dhadhaab  amni darro ee ka jira gudaha dalka Soomaaliya awgeed.

Waxa uu sheegay iney dhameys tireen howlo baaritaan ah oo ay ka dhex wadeen qaxootiga kaas oo lasoo afjaray bishii July ee lasoo dhaafay, waxa uu tilmaamay inuu warbixin buuxda ka hayo iyo xog dhameystiran qaxootiga; sidaa darteedna ay waddo fiican ku socdaan, waxa uu yiri; ” Waxaan Sugeynaa inta Soomaaliya ay ka xasilayso, si dadka qaxootiga ah ay ugu sahlanaato iney dalkooda dib ugu noqdaan”.

Nkaissery ayaa xusay in warbixinta ay hayaan ee dhanka qaxootiga la wadaagi doonaan fadhi qaramada midoobay ay 20 September ee sanadkan ku yeelanayso magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Hadalkan wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli uu dalka Kenya booqasho ku joogo wasiirka arrimaha dibadda dalka Marykanka John Kerry. iyadoo dawladda Mareykan ay horey ugu baaqday dalka Kenya iney ka fiirsato go’aanka ay ku xirayaan xeryaha qaxootiga inta Soomaaliya ay ka xasilayso.

Sanadkii 2013 ayaa waxaa heshiis sadex geesood ah uu dhex maray dowladda Kenya, Soomaaliya iyo UNHCR,  kaas oo aadanaa dib u celinta qaxootiga iskood u raba iney dib ugu laabtaan Soomaaliya.

Goobjoog News