U bood dhigaalka

Dowlad Deegaanka: Dab khasaaro gaystay oo ka kacay Jig-jiga

Sheeko:Amniga

Warararka naga soo gaaro magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ayaa waxa ay  sheegayaan dab khasaaro gaystay uu ka kacay xaafad ku taallo magaalada.

Dabka ayaa waxaa uu ka ka kacay guri ku yalla xaafadda 13-aad ee magaalada Jigjiga, waqtiga dabku kacayay guriga waxaa ka socotay xalada aroos, taas mar qura murug u badashay farxaddii iyo damaashaadkii.

Inta la xaqiijiyay dabka ayaa waxaa ku geeriyooday afar caruur ah, halka ay dhaawacmeen shan kale, kuwaas oo isku qooys ah dhammaantood, dabka ayaa sidoo kale ku faafay xaafadaha kale ee ka agdhawaa guriga uu ka bilaabmay dabka.

Dabka oo aan la ogeyn sababta ka dambeysay inuu kaco ayaa dadaal badan kadib waxaa lagu guuleystay in goobtiisa lagu hakiyo oo lagu damiyo uusan geysan khasaare kale oo dheeraad ah.