U bood dhigaalka

Dowlad Deegaanka iyo Koonfur Galbeed oo Qodobo Dhowr ah Ku Heshiiyay

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen oo ku sugan magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida ayaa maanta mar kale kulan gaar ah la qaatay madaxweyne Mustafe Cagjar, kadib booqasho uu ku tagay jaamacadda  Jigjiga, iyagoo kawada hadlay dhowr arrimood.

Madaxweyne Laftagareen ayaa dhigiisa kala hadlay hormarinta waxbarashada deegaannada Koonfur Galbeed, madaxweyne Cagjar ayaa dhankiisa ballan qaaday in maamulka dariska la ah ay kala shaqeyn doonaan dhanka amniga iyo siinta deeqo waxbarasho, oo lacag la,aan ardayda u baahan heerka jaamacadda ee ka baxa dugsiyada sare ee maamulkaasi.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo shalay gaaray Jigjiga ayaa waxaa safarkiisa Itoobiya uu kusoo aadayaa iyadoo dagaal ka taagan xuduuda labada maamul ay wadaagaan ay ku dagaalameen Al-shabaab iyo ciidanka Liyuu Police, waxaana itoobiya ay sheegtay in gudaha Soomaaliya ay ka sameynayso aag ay kala dagaalanto xoogagga Al-shabaab.

Goobjoog News