U bood dhigaalka

Dowlad Deegaanka Soomaalida: Ciidamo Dilay Dad Shacab Ah

Sheeko:Amniga

Wararka laga helayo deegaanka Gursum oo hoostaga gobalka Faafan ee dowlad deegaanka Soomaalida, ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay dad shacab ah ku dileen deegaanka.

Dadka la dilay ayaa la sheegay in ay gaarayaan illaa 8 qof kuwaas oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Dilka dadkaan ayaa yimid kadib markii iska hor-imaad uu soo kala dhex galay dadka iyo ciidamada Liyuu boolis.

Ciidamada ayaa shacabka ka hor istaagay in xaflad lagu caleemasaarayay Ugaas cusub oo ay doorteen dadka deegaanka.

Goobjoog News