U bood dhigaalka

Dowlad Deegaanka Soomaalida oo Sheegay Iney Soo Afjareen Weerarkii Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Golaha ammaanka dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa sheegay in ay soo afjareen dagaalkii u dhaxeeyay  liyu Police iyo Al-shabaab,  kaas oo socday muddo afar maalin ah, kadib Khamiistii uu ka qarxay xadka labada dal, golaha oo war-murtiyeed  soo saaray ku sheegay in xooggagii Al-shabaabkii  weeraray ay u geysteen khasaare xoogan sida lagu yiri.

Golaha ayaa sidoo kale war-murtiyeedka ku xusay in ka badan 100 ruux oo Al-shabaab ah lagu dilay dagaalkii dhacay ee u dhaxeeyay labada dhinac, kadib markii Alshabaab ay gudaha u galeen deegaanno ka tirsan dowlad deegaanka, waxaana ay maqaalkooda lagu sheegay in Shabaabku ay doonayeen in ay galaan deegaanno ka tirsan gobolka Oromada ee Itoobiya.

“Waxaa la soo afjaray kooxdii  Argigixisada Al-Shabaab ee 4 maalmood ka hor duulaanka ka soo qaaday aaga “Aato” ee soo gashay Gobalka Afdheer kadib markii ay Ciidamada Xooga Gaarka ee DDS ay ku hareereyeen aaga “Hulhul”, waxaana la laayay dhamaanba dhammaan Argigixisadii naf la caariga aheyd” ayaa sidoo kale lagu yiri warsaxaafadeedka golaha DDS.

Marka laga soo tago sheegashada golaha ammaanka dowlad deegaanka Soomaalida waxaa xusid mudan in Alshabaab ay ku baahiyeen barahooda  bulshada maalintii Jimcada aheyd sawirro muujinayay guulo ay ka gaareen dagaalkii ka dhacay xadka gobolka Bokool uu la wadaago dalka Itoobiya ee deegaannada Aato iyo Yeed iyagoo sheegay in lagu dilay 87 liyu Police ah.

Dagaalka u dhaxeeyay labada dhinac oo ka qarxay gobolka Bokool ayaa ku fiday dhulka xuduuda labada dal, Al-shabaab ayey u suurto gashay in ay gudaha u galaan dowlad deegaanka, dagaalka ayaa dhaliyay khasaare xoogan oo  gaaray labada dhinac liyu Police ayaa sheegay in Shabaabkii weerarka qaaday lagu hareereeyay deegaanka “Hulhul” oo ka tirsan gobolka Afdheer.

Goobjoog News