U bood dhigaalka

Dowlad Goboleedyada oo Maanta Shir Ku Yeelanaya Dhuusamareeb, Galmudug

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhow magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ka furmaya shirka dowlad goboleedyada kaas oo ay ka qeyb galayaan dhammaan madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah.

Shirkan oo looga hadlayo doorashada 2020/2021, amniga, federaaleynta iyo arrimo kale waxaa lagu wadaa in laga soo saaro road-map wax badan ka tari-doonna geedi-u-socdka dalka.

Waxaa madasha shirka ku sugan madaxweyneyaasha Jubbaland Axmed Madoobe, Koonfur Galbeed Cabdicasis Laftagareen, Hirshabelle Maxamed Waare, Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Puntland Saciid Deni.

Shirka oo noqonaya midkii ugu weynaa ee muddo labo sano looga arrinsado aayaha Soomaaliya ayaa waxaa isha ku haya Soomaalida iyo beesha caalamka.

Wararka, halkan kala soco.

Goobjoog News