Dowlad Goboleedyada Qaar Oo Ka Hadlay Weerarkii Muqdisho

Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Puntland,Koofur galbeed iyo Jubbaland,  ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Ehelada Dadkii ku geeriyooday Qaraxyadii Xalay ka dhacay Muqdisho.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid C/llaahi Deni, dhiggiisa Koofur galbeed, C/casiis Xasan Maxamed iyo Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha maamulka Jubbaland, ayaa sidoo kale cambaarayn kulul dusha ugu tuuray Kooxda argagixisada Al-Shabaab ee bannaysatay daadinta Dhiigga Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada ayaa  Allah uga rajeeyay in naxariistii Janno uu ka waraabiyo Dadka goobta ku geeriyooday, waxanay sidoo kale kuwii ku dhaawacmay Alle uga rajeeyeen inuu caafiyo.

Madaxda Maamul goboleedyada ayaa waxay Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeen in ay Gacmaha is qabsadaan wakhtigan adag oo ay garab istaagan Dadka uu dhibku gaaray, lana qeybsadaan xaaladda ay ku sugan yihiin, waxanay fareen Bulshada in Argagixisada lagaga adkaan karo oo keliya isku duubni iyo wadajir .

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW