U bood dhigaalka

Dowlada Mareykanka Ayaa Ku Dhawaaqday In Kaalmo Bini’aadannimo La Gaarsiinayo Dadka Soomaaliyeed

Sheeko:Amniga

Dowladda Mareykan ayaa siineysa ku dhawaad $199 million oo gargaar bini’aadannimo oo dheeri ah dadka Soomaaliyeed kuwaasoo muddo tobannaan sano ah wajahayey cunno xumo, rabshado, abaaro iyo daadad una sii dheer yihiin saameynta anyaxa iyo cudurka saf-marka ah ee Covid19. Lacagtaan dheeriga ah ee Dowladda Mareykan ka imaaneysa ayaa la sii marsiin doonaa hay’adda caalamiga ah ee horumarin ee dalka Mareykanka (USAID) iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka waxaana gargaargan bini’aadannimo ee Dowladda Mareykan oo loogu talogalay dadka Soomaaliyeed islamarkaana noqonaysa $408 million ee qiimeynta la sameeyey sannadkan 2021.

 

Kaalmadan ayaa caawin doonta ku dhawaad lix million oo Soomaali ah kuwaasoo u baahan gargaar bini’aadannimo, waxaana dadkaas ka mid ah saddex million oo ah dad ku barakacay gudaha dalka sidoo kale ku dhawaan 500,000 oo dad Soomaaliyeed ah kuwaasoo qoxooti ku ah xeryo ku yaalla dalalka Djibouti, Ethiopia iyo Kenya. Lacagtan kaalmadaha ah ee Mareykanku bixinayo ayaa gacan ka geysan doonta cunnada sida degdegga ah loogu baahan yahay, nafaqada, biyaha nadiifka ah, nadaafadda, hooyga, badqabka, waxbarashada iyo caafimaadka, sidoo kale saadka iyo taageere kale oo haddii xaaladdu ka darto wax looga qabto  sida goobaha dagaalladu ka dhacaan.

 

“Dowladda Mareykan ayaa ah deeq bixiyaha ugu weyn ee kaalmada bini’aadannimo ee la gaarsiiyo Soomaaliya iyo dadka qaxootiga Soomaaliyeed ah ee gobolka jooga waxaana soo dhaweyneynaa dadaallada ay waddo Qaramada Midoobay oo lagu iftiiminayo dhibaatada haysata dadka Soomaaliyeed. Waxaan ka walaacsan nahay baahida bini’aadannimo ee sii kordheysa waxaana ku boorrineynaa deeq bixiyeyaasha inay garab istaagaan beesha caalamka oo ay bixiyaan taageerada loo baahan yahay si naf loo badbaadiyo,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Dowladda Mareykan.