U bood dhigaalka

Dowlada Talyaaniga oo Agab iyo Daawo u Soo Dirtay Dadkii Ay Saameysay Duufaantii GATI

Sheeko:Caafimaadka

Diyaarad siday gargaar loogu talo galay dadkii ay waxyeelada ka soo gaartay duufaantii GAT, ayaa maanta gaartay magaalada Boosaaso .

Deeqdan oo ka timid dowlada Talyaaniga ayaa waxaa garoonka Boosaaso geeyay diyaarad xamuul si loogu caawiyo dadkii saameyntu ka soo gaartay duufaantii ku dhufatay deegaano hoos yimaada gobolka Bari.

Shixnadaan ayaa ka kooban, agabka wax lagu cuno, daawo iyo waxyaabo kale oo duruuri ah, wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan (Dhabancad) ayaa sheegay in ay dowlada Talyaaniga uga mahadcelinayaan kaalmada ay soo gaarsiiyeen.

Wasiirka ayaa sido kale sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii loo gaarsiin lahaa gargaarkan dadka mudan ee baahida daran u qaba kaalmadan, kuwaas oo ku nool deegaannada ay saameysay Duufaanta GATI.

Goobjoog News