U bood dhigaalka

Dowlada Turkiga oo deeq gargaar ah soo gaarsiisay Muqdisho

Sheeko:Dalka
Markabka sida deeqda gargaarka./Xuquuqda Sawirka:radiomuqdisho.net
Markabka sida deeqda gargaarka./Xuquuqda Sawirka:radiomuqdisho.net

Dowlada Turkiga  oo ka jawaabeysa baaq dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aadan in loo gurmado dadka ay saameysay abaarta ka taagan dalka ayaa durba waxa ay dalka soo gaarsiisay raashin gargaar ah oo ka kooban toban kun oo Tan taas oo loogu tala galay dadka abaartu saameysay.

Markab laga leeyahay Turkiga oo sida deeqdan ayaa ku soo xirtay dekeda way nee magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka socda bisha cas ee Turkiga ayaa  sheegay in loogu talo galay deeqdan dhamaan goballada dalka, shixnadan raashinka ah ayaa ka koobneyd Sokor, Bur iyo Baasto

Mustaf Yilmaz oo ah madaxa wafdiga hay’adda bisha cas ee dalka Turkiga ee  dalka soo gaarsiiyay kaalmada raashinka ah ayaa tilmaamay in deeqdan ay qeyb ka tahay qorshaha hay’addu ugu tala gashay in ay wax ugu qabato bulshada Soomaaliyeed, isagoo xusay in tani ay ka turjumeyso xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Turkiga ayaa u soo gurmaday Soomaaliya sanadkii 2011-ka xilligaasi oo ay dalka ka dhaceen macluul aad u daran oo galaafatay nolosha dad iyo duunyo badan, waxaana lagu xasuustaa waqtigaas booqashadii taariikhiga ahayd ee ra’iisal wasaarihii hore ee Turkiga Receb Dayib Erdogan oo imika ah madaxwaynaha dalkaas uu ku yimid Muqdisho.