U bood dhigaalka

Dowladaha Soomaaliya Iyo Maraykanka Oo Heshiis Gaaray

Sheeko:Dalka

Dowladaha Soomaaliya iyo Maraykanka ayaa magaalada Nairobi waxay ku gaareen heshiis ku aadan tayeeynta ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Saxiixa heshiiskaan oo ka dhacay gudaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa ahaa mid lagu tayeeynayo ciidamada Booliiska Soomaaliya, waxaana Goobjoog ka ahaa Ra’iisul wasaare kuxigeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte, Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya Kenya Jamaal Maxamed Xasan, Qunsulka safaaradda Soomaaliya Cali Maxamed Sheekh Bagadi, Danjiraha dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya iyo wasiirka maaliyadda maamulka Puntland.

Heshiiskaan lagu tayeeynayo ciidamada Booliiska Soomaaliya dhammaan maamul gobaleedyada Soomaaliya ayaa qeybtii ugu horeysay waxaa ka faa’ideysan doona maamul gobaleedka Puntland, waxaana sidoo kale la filayaa in iyaguna ay ka faa’ideystaan dhammaan maamul gobaleedyada dalka Soomaaliya ka jira.

Dowladda Maraykanka ayaa bixineysa qarashaadka ku baxaya tayeeynta ciidamada Booliiska Soomaaliya, waxaana ay rajo wanaagsan ka muujisay in sidii loogu tala galay loo fuliyo heshiiskani, waxaana uu balan qaaday danjiraha dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya in ay sii wadi doonaan taakuleynta ay siinayaan dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda dalka, Maxamed Cumar Carte ayaa gudaha safaaradda kula hadlay warbaahinta, waxaana uu faah faahin dheer ka bixiyay heshiiskani iyo faa’idada u leeyahay guud dalka Soomaaliya.

“Waxaan isugu nimid halkaan in heshiis lagu kala saxiixdo, kaa oo ku saabsan tayeeyta iyo kor u qaadista tayada Booliiska, kaas oo heshiiskaan dowladda Maraykanka ka caawinayso dowladda Soomaaliya iyo dowlad gobaleedyadeeda si kor loogu soo qaado tayada Booliiska, waxaan aad ugu faraxsannahay oo ilaahay mahadiis ah in maanta qeybtii ugu horeysay billaabatay oo ah in la billaabo mashruucii, lagana billaabo Puntland, waana ku faraxsannahay howshaan, waxaana rajeynaynaa in qeyb weyn uu heshiiskaan ka qaato horumarinta Booliiska” ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku xigeenka.

Inta badan heshiisyada dowladda Soomaaliya ay la gasho wadamada caalamka ayaa waxay ka dhici jireen hoteelada waaweyn ee ku yaalla magaalada Nairobi, hase ahaatee in gudaha safaaradda Soomaaliyeed uu heshiiskaan ka dhaco waxaa suurta geliyay Safiir Jamaal Maxamed Xasan.

Goobjoog News