U bood dhigaalka

Dowladaha Soomaaliya Iyo Masar Oo Ka Shiray Iskaashi Ay Ka Sameeyaan Xagga Amniga

Sheeko:Dalka

Wasiirka arimaha gudaha ee dalka  Masar Magdy Abdel Ghaafar ayaa xafiiskiisa magaalada Qaahira  ku qaabiley wasiirka amniga gudaha ee Soomaaliya iyagoo ka wada hadlay arimaha la dagaalanka falalka ka baxsan amniga sida ay soo warisay majalada Al-Ahram ee dalkaasi ka soo baxda.

Mudane C/rasaaq Cumar Maxamed, wasiirka amniga gudaha ayaa wasiirka arrimaha gudaha Masar u muujiyay sida  laamaha amniga ee Soomaaliya ay ugu faa’ideysan karaan khibrada ay leeyihiin kuwa dalka Masar.

Labada dal ee Soomaaliya iyo Masar ayaa dagaal kula jira dhinacyo hubeysan oo ka soo horjeeda jiritaankooda iyo siyaasadda ay ku dhaqmayaan taasoo keentay in dad badani ay ku dhintaan, ku barakacaan iyo dhibaatooyin kalena ay reebaan dagaallada u dhaxeeya dhinacyadaasi.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud oo ka mid ah wafdiga wasiirka ayaa la kulmay dhiggiisa dalka Masar iyagoo ka wada hadlay sidii ay labada ciidan isaga kaashan lahaayeen sugidda amniga iyo la dagaallanka falalka amni xumo.

Masar ayaa dagaal kula jirta muddo 10 sano ku dhow maleeshiyaad ka soo horjeeda xukuumadda dalkaasi ka aramisa kuwaas oo ka dagaalama waqooyiga jasiirada Siinaa, waxaana dagaalkaasi uu xoogeystay labadii sano ee la soo dhaafay markii ay ciidanka dalka Masar ay afgembiyeen madaxweynihii dalkaasi Maxamed Mursi.

Goobjoog News