U bood dhigaalka

Dowladaha Soomaaliya Iyo Qatar Oo Kala Saxiixday Heshiis Ku Kacaya $200 Oo Milyan

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Qatar ayaa maanta waxay magaalada Muqdisho ku kala saxiixdeen mashaariic horumarineed oo ku kacaya 200 Milyan oo doolarka Maraykanka ah.

Goobta heshiiskan lagu gaarayey waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo xubno ka tirsan Labada dowladood.

Wasiirka Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay in la fulin doono mashaariic  badan, sida shaqo abuurka dhallinyarada, waxbarashada iyo dhismayaal.

“Mashaariicdan aan saxiixannay waxay dhammaantood ka kooban yihiin kuwo horumarineed, shaqo abuuris iyo kocinta dhaqaalaha, waa jidad, dhismayaal, shaqo abuur iyo waxbarasho, haddii Alle idmo lacag badan ayaan kala saxiixannay oo mashaariicdaasi ku fuli doonaan oo qaarkood wey bilowdeen kuwo kalena waa ay bilaaban  doonaan” ayuu yiri wasiirka.

Dhinac kala waxaa halkaasi ka hadlay madaxa Sanduuqa dowladda Qatar ee mashruucan fulineysa Khaliif Bin Jaasim, wuxuuna sheegay in dhammaantood mashaariicdan yihiin kuwo horumarineed.

“Waxaan cusbooneysiineynaa taageerada aan siinno Soomaaliya innaga oo u mareyna shaqo abuurka dhallinyarada iyo dhismooyinka waddooyinka, waxaana ku kaceysa 200 Milyan oo doolar” ayuu yiri Khaliif.

Mashaariicda waa ku jira sida la sheegay: Mashruuc lagu dhisayo wadada isku xirta Muqdisho illaa Jowhar oo 90 KM ah, Wadad isku xirta Muqdisho illaa Afgooye oo 30 KM ah, taageero waxbarasho.

Dowladda Qatar ayaa kamid ah dowladaha taageera Soomaaliya, sidoo kalena saaxiib la ah dowladda Federaalka.

Goobjoog News