Dowladaha Soomaaliya Iyo Sudan Oo Wada Gaaray Heshiis Iskaashi Ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Suudaan, Field Marshal Omer Hassan Ahmed Al-Bashir ayaa kulan gaar ah ku yeeshay xarunta Madaxtooyada ee dalka Suudaan.

Labada hoggaamiye ayaa ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dal , iyagoo ku heshiiyay dhismaha guddi heer wasiir ah oo ka shaqeyn doona arrimahaasi.

Iskaashiga labada dal ay xoojinayaan ayaa waxaa ka mid ah dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacsiga amniga, dhaqanka, waxbarashada, tayeynta laamaha dowladnimo ee Soomaaliya iyo kuwo kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxweyne Al Bashir , shacabka iyo dowladda Suudaan uga mahad celiyay sida ay u garab istaageen Soomaaliya xilligii burburka, iyo waqtigan la joogaba, isagoo ka codsadey in la sii wado taageeradaasi.

Waxaa uu intaa ku darey in Soomaaliya ay sannadkan ka dhacayaan doorashooyin , taasina ay ka marag kaceyso, horumarka laga sameeyay dhanka dowlad dhisidda, baahinta maamulka iyo in shacabku yeesho codka ay ku soo dooranayaan hoggaankooda.

Madaxweyne Al-Bashir, ayaa isna sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso, isagoo sheegay in Suudaan ay taageeradeeda Soomaaliya sii wadeyso ilamaa ay Soomaaliya dib cagaheeda isu taageyso.

Waxaa uu sheegay inuu ku rajo weyn yahay inuu dhowaan arko Soomaaliya oo si buuxda amnigeeda ula wareegta, taasina ay dhabbada u xaari doono horumarka dalka.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale xusay inay doonayaan in labadooda dal ay tusaale u noqdaan gobolka, kana shaqeeyaan horumarka, xasiloonida iyo amniga.

Waxaa dhanka kale heshiis iskaashi magaalada Khartoum ku kala saxiixdey Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee Soomaaliya iyo Wasaaradda Federaalka ee Suudaan. Labada Madaxweyne ayaa goob joog ka ahaa saxiixa heshiiskaasi.

——————DHAMMAAD————–

Daud Aweis

Afhayeenka Madaxtooyada

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW