U bood dhigaalka

Dowladaha Sucuudiga iyo Iran oo Heshiis Ka Gaaray Khilaaf Muddo Ka Dhextaagnaa

Sheeko:Caalamka

Dowladaha Sucuudiga iyo Iran ayaa markale gaaray heshiis taariikhi ah, kaas oo lagu soo afjayo khilaafka labada dowladood ee ku aadanaa xaaladda gobolka iyo mandiqadda Bariga dhexe, heshiiskaan imaanaysa toddobo sano ka dib markii ay xiriirka isu jareen dowladahaan oo aad ugu loolamaya dhinacyo kale duwan.

Talaabadan lama filaanka ah ayaa timid ka dib afar maalmood oo masuuliyiinta labada dal wadahadal uga socday dalka Shiinaha, taas oo la aaminsan yahay in dowladda China ay garwadeen ka aheyd, isku soo dhowaanshiyaha labada dhinac, maadaama ay tahay dowlad siweyn saaxiib ula dowladaha heshiiska gaaray.

Dowladda Sucuudiga ayaa Iran xiriirka u jaray ka dib markii sannadkii 2016 safaaradda sucuudiga ee Tehran ay mudaharadayaal ku xoomeen taas oo daba socotay ka dib markii sucuudigu xukun dil ah ku fuliyey wadaad shiici ah, kaas oo lagu eedeeyay faafinta diinta Shiicada uu ka wadaha gudaha dalkaas intii muddo ah.

Xiisadda u dhaxaysa labadan dal ee shiicada iyo sunniyiintu kala hogaamiyaan ayaa cirka iskusii shareetay tan iyo markaas oo ay gaartay halkii ugu sareysay, waxaana moodaa in heshiiskaan uu meesha ka saarayo mugdiga siyaasadeed iyo midka diimeed ee labada dhinac ku gadaamnaa xiriirkooda muddooyinkii dambe.

Tan iyo markii siyaasadda Sucuudiga uu majaraha u qabtay Maxamed Bin Salmaan Dhaxalsuga dalkaas ayaa waxaa isbedel weyn uu ku yimid siyaasadaha dalkaas,  waxaana uu abuuray isbedel dhinacyo badan taabtay oo siyaasadda Boqortooda ku dhisneyd ee dalkaas, isaga oo dowladdo dhowr ah heshiisyo taarikhi ah la galay.

Goobjoog News