U bood dhigaalka

Dowladaha Yemen iyo Soomaaliya oo Ka Wada Hadlay Iskaashi Dhinaca Waxbarashada Ah

Sheeko:Dalka

beyle iyo wasiirka tacliinta sare yemen MaxamedSid ay tabineyso wakaaladda wararka dalka Yemen ee SABA , wasiirka tacliinta sare ee dalkaasi Maxamed Mutahar ayaa la kulmey wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle, waxayna ka wada hadleen iskaashi dhanka waxbarashada ah iyo cilmi baarista seeyniska.

Intii uu kulanka socdey wasiirka Arrimaha Dibada SoomaaliyaBeyle ayaa amaanay dadaalka Yemen ay ugu jirto in ay dhinaca waxbarashada iyo dhinacyada kalaba ay iskaashi kala samayso Soomaaliya.

Wasiirka Tacliinta Sare ee Yemen Mudane Maxamed ayaa dhankiisa balanqaaday in ay sii wadayaan, islamarkaasina kordhinayaan deeqaha waxbarasho ee dowladiisa siineyso ardayda Soomaalida, gaar ahaan dhanka seeynista iyo tiknoolajiyadda.

Goobjoog News