U bood dhigaalka

Dowladda Afgaanistaan ayaa Xaqiijisay Geerida Mullah Cumar

Sheeko:Dalka

Afhayeen u hadlay dowladda Afganistaan ayaa sheegay in Hogaamiyihii Taalibaan  goor hore  la dilay balse dhaq-dhaqaaqa ayaan weli ka hadlin.

Marar badan ayaa horay loo sheegay geeriga Mullah Cumar balse waa markii ugu horeysay oo dowladda Afgaanistaan ay sheegto dilka Mullah Cumar.

Dowladda waxaa ay xaqiijineysaa in Mullah Cumar oo ahaa hogaamiyaha Taalibaan uu dhintay labo ama sadex sano ka hor.

Mullah Cumar waxaa uu 2001-dii isbaheysi iyo xulufo la noqday Al-qaa’ida taasi oo keentay in Mareybakanka uu soo faragaliyo dalkaasi.

Cumar waxaa uu mas’uul ka haa in Dhaqdhaqaaqan uu ka guuleysto Jabhado ka jiray dalkaasi taas oo soo afjartay dagaalkii sokeeye ee Afgaanistaan kadib bixitaankii Midowga Soviet.