Safaaradda dalka Azerbaijan uu ku leeyahay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga ayaa lagu xaqiijiyay in haweeney u dhalatay dalkaasi iyo carruur ay dhashay ay ku jireen dadkii waxyeelladu soo gaartay.
Dalka Azerbaijan wuxuu xaqiijiyay inay geeriyootay haweeneydaasi halka dhaawac uu soo gaaray labo carruur ah oo ay dhashay, kuwaasoo hadda lagu dabiibayo Isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho.
Sida ay qorayaan warbaahinta dalka Turkiga waxaa xaaladdiisa ay aad u liidataa aabbaha dhalay carruurtaasi oo xaalad degdeg ah galay marka loo sheegay in xaaskiisa geeriyootay ilmihiisana ay dhaawac yihiin.
Haweeneyda u dhalatay dalka Azerpijan ayaa in muddo ah ku nooleyd magaalada Ankara waxayna ka soo shaqeysay diyaaradda Tarkish Airline iyo wasaaradda dalxiiska ee dowladda Turkiga.
Goobjoog News