U bood dhigaalka

Dowladda Baxreyn oo sheegtey in Soomaaliya ay ka qodey ceelal ay ka faa’iideysanayaan boqol kun oo qof

Sheeko:Dalka

Sida ay shaacisey wakaaladda wararka Baxreyn waxa ay dowladda dalkaasi Soomaaliya ka qodey illaa 10 ceel oo loo qodey illaa iyo 25 tuulo kuwaasi oo ay ku noolyihiin dad gaaraya boqol kun oo qof.

Warka wakaaladdana sidan ayuu u qornaa

Iyada oo la fartoomayo amarkii kasoo baxay Boqorta Xamad Bin Ciisa Al-Khaliifa, lana sii marsiinayo hey’adda gargaarka ee boqortooyadda Baxreyn ee marka magaceeda lasoo gaabiyo uu yahay RCO taasi oo guddoomiyaha marjica ka yahay Sheekh Naasir Bin Xamad Al-khaliifa, wakiilna ka yahay xoghayah guud ee RCO, lana kaashanayo hey’adda Islamic Relief Worldwide (IRWWW) ayaa waxaa Soomaaliya laga hirgaliyay illaaa 10 ceelasha biyaha ah oo ah kuwa guntooda dheertahay, islamarkaasina aanan u baahneyn in la saaro riig.

Sheekh Naasir wuxuu sheegey in mashruucani uu qeyb ka yahay hawlaha gargaar ee loo fidinayo dadka aan walaalaha nahay ee Soomaaliyeed, iyadoo la fartoomayo awaamiirta Boqorta oo isagu guddoomiye sharafeed ka ah hey’adda RCO.

Sheekh Naasir ayaa si kal iyo laab ah ugu mahadceliyey boqorka sida uu gargaarka naf-soo-celinta dadka tabaalaysan ee Soomaaliyeed, inagoo xaqiijineyna walaalnimada nagala dhaxaysa Soomaalida.

Sheekh Naasir wuxuu sheegey in hey’adda RCO ay qeyb ka tahay dadaalada dib u dhiska Soomaaliya, isagoo xusey in hey’adda qodey illaa 10 ceel oo ay ka faa’iideysanayaan 102,000 (boqol iyo 2 kun ) oo ceel meelo kala duwan oo Soomaaliya ka tirsan.

Xoghayaha guud ee hey’adda RCO wuxuu sheegey in ceelaha oo hoos u qodan illaa iyo 300km ay biyo siin doonaan illaa 25 tuulo. Wuxuu intaasi ku daray in dadka Soomaaliyeed ay aad u qadarinayaan gargaarka ceynkan oo kale ah.

Dr. Daahir Geele oo ah la taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey kaalmada kaga timid dowladda Baxreyn iyo hogaankeeda.

Wuxuu illaahay oga baryey in Illaahay boqortooyadda Baxreyn ka dhigo meel barwaaqaysan, nabad ah, isaga oo si gaar ah boqorka illaahay oga baryay in uu ajar ka siiyo deeqtoonaantiisa.

Xoghayaha guud ee Hey’adda IRWW Dr. Maxamed Al-Alfi ayaa ka mahadnaqay deeqdani, isagoo bogaadiyey wadashaqaynta ka dhaxaysa labada dhinac.

Xigasho: http://www.bna.bh/portal/en/news/640158

Goobjoog.com