U bood dhigaalka

Dowladda Britten Oo Ciidamo Usoo Direysa Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Dowladda Britten ayaa sheegtay in dalka Soomaaliya ay usoo diri doonto ciidamo kuwaasi oo gacan siin doona ciidamada Midowga Afrika ee dalka ka howlagala.

Ra’iisul wasaaraha dalkaasi David Cameron ayaa sheegay in ciidamo gaaraya 70 askari ay usoo dirayaan Soomaaliya, kuwaasi oo uu tilmaamay inay caawin doonaan ciidamada AMISOM, marka loo eego dhanka yareenta waxa loogu yeero Argagaxisa iyo Tahriibka.

Sidoo kale ciidamo kale oo isla wadankaasi ka socda ayuu sheegay Ra’iisul wasaare Cameron in la geyn doono dalka Koonfurta Sudan, kuwaasi oo iyana caawin doona ciidamada Qaramada Midoobay ee halkaasi ku sugan.

Wadarta guud ee ciidamada dowladda Ingiriiska u kala direyso Soomaaliya iyo Koonfurta Sudan ayaa lagu sheegay 300 askari.

Goobjoog News