U bood dhigaalka

Dowladda China Oo Ka Baqeysa Iney Isku Dhacaan Maraykanka Iyo K/waqooyi

Sheeko:Dalka

Dowladda China ayaa waxay ka digtay isku dhac u dhaxeeya dowladaha Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi xilli ay cirka isku sii shareerayso xiisadaha colaadeed ee u dhaxeeya.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegaty inay qalqalweyn ay ka qabto arinta ku saabasan Kuuriyada waqooyi ee dhanka horumarinta  hubka Nucleerka,isagoo tilmaamay in uu Maraykana uu u diray diyaaradaha xambaara Nucleerka Jasiiradda Kuuriyada.

Dowlada Chaina ayaa ka cabsi qabta oo dowladda kaliya ee taageerada ka hesha Kuuriyada waqooyi inuu dhaco dagaal u dhaxeeya Maraykanka iyo Kuuriyada waqooyi kaasi oo keeni kara inuu burburo nidaamnka iyo kala dambeyntii iyo inay soo wajahaan dhibaatooyin xaduudaha waddanka Chaina.

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa waxaa la rajeynayaa inay tijaabiso gantaallo kale ee hubka Nucleerka mar lixaad gantaaladaas oo ah nuucara ridada dheer.

Dhanka kale madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi uu u diidi doono inay sameysato gantaalada balaastiigga ah kuwaas oo qaadi karo madaxyada Nucleerka ridadiisuna uu gaari karo Maraykanka.

Goobjoog News