U bood dhigaalka

Dowladda “Tiyeeglow Ciidan Qabta Uma Heyno”

Sheeko:Dalka

Isgaarsiinta degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool ayaa weli jaran iyadoo saansaan colaadeed ay ka jirto magaaladaasi.

Magaalada Tiyeeglow ee koonfurta galbeed Soomaaliya ayaa seddexdii maalin ee la soo dhaafay waxaa ka jiray xaalado kacsanaan ah kadib markii ay ciidanka dowladda ay dib kaga soo laabteen weerar ay ku ekeeyeen degmadaasi.

Guddoomiyaha degmada Tiyeeglow oo la hadlay Goobjoog News Maxamed Cabdalla wuxuu sheegay in ciidanka dowladda taageero la’aan aysan qaban Karin degmadaasi isagoo sheegay in maamulkii dowladda uu gacanta ka taagan xaaladda iminka taagan.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay ciidamo dheeraad ah oo AMISOM ah si loo qabto degmada loogana saaro Alshabaabka dib u qabsaday.

Ciidamada AMISOM gaar ahaan Itoobiya oo dhowaan isaga baxay degmada Tiyeeglow ayaa maamulkii dowladda u keenay qalqalka dhanka ammaanka ah ee degmadaasi ka soo wajahay.

Isgaarsiinta ayaa ka maqan degmadaasi, lamana oga sababaha ka dambeeya arrintani waxaase saraakiil ka tirsan ciidanka oo ku dhow Tiyeeglow ka soo xiganay in colaadaha awgood isgaarsiinta ay hawada uga maqan tahay.

Xarakada Alshabaab ayaa gacanta si buuxda ugu haya degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool, saansaan colaadeed ayaana jirta.

Goobjoog News