U bood dhigaalka

Dowladda Dhexe oo Agab Caafimaad Gaarsiisay Baydhab

Sheeko:Caafimaadka

Wafdi ka socda xukuumada soomaaliya gaar ahaan gudiga Qaran ee arrimaha isku duba ridka Covid-19 ayaa gaarey magaalada baydhabo halkaasi oo ay gaarsiiyeen qalab iyo dawooyin caafimaad waxaana  sidoo kale ay qiimeyn doonaan goobaha loogu tala galey in lagula tacaalayo Caabuqa iyo isbitaalada lagu karantiilo bukaanada uu so rito cudurkaan

Guddiga ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doona Madaxda Dowlad-goboleedka Koofur galbeed ee Soomaaliya  iyo wasaaradaha ku mideysan la tacaalida Covid19.

Gudigaan oo ay hogaaminayaan masuuliyiin ka tirsan Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Dalka Xasan Cali Khayre  ayaa lagu wadda iney socdaalkooda baydhabo soo gababeeyaan isla maanta si loo diyaariyo qorshayaal lagu gaarayo Dowlad- goboleedyada kale ee Dalka.

Goobjoog News