U bood dhigaalka

Dowladda Federaalka Ah oo Laga Diiday in Ciidamo Aradan Ka Qaado Hiiraan

Sheeko:Amniga

Odeyaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa dowladda federaalka ah ka diiday in ciidamo aradan, oo aaney dowladda siin dhar ciidan, tikniko iyo saanad ka daad-gureyso gobolka Hiiraan.

Weriyaha Goobjoog News uu gobolka waxaa uu sheegayaa in shalay ay Baladweyn soo gaareen ilaa 15 tikniko ah oo ka timid Galmudug, kuwaas oo ujeedkoodu ahaa in ciidamada aradan ay qaadaan, isla markaana ay galbiyaan.

Ciidamada la qaadayo, oo tababar dhameystay ayaa tiro ahaan lagu sheegay 400, iyada oo la doonayo iney ka howlgalaan Galmudug.

Taliyeyaal ka tirsan ciidamada ayaa wadahadal kula jira odeyaasha, ilaa hadda kama soo bixin wax natiijo ah.

Goobjoog News